Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Fanaankii weynaa Axmednaaji Sacad oo caawa ku geeriyooday magaalada…

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_3930.jpeg?fit=258%2C194&ssl=1

London (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Fanaankii weynaa Axmednaaji Sacad ayaa caawa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Fanaaniin iyo Abwaano Soomaaliyeed oo ka war-hayey xaaladda Marxuumka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey geeridaan.

Allaha u naxariistee Axmednaaji wuxuu ahaa mid kamid ah tiirarka uu ku taagnaa fanka Soomaaliyeed.

Wuxuu isku ahaa Fanaan, Abwaan iyo Mulaxan, sidoo kale gacantiisa ayuu ku garaaca jiray Kabanka.

Wuxuu ka mid ahaa fanaantii hore ee hobollada qaranka ee Waaberi, wuxuuna dalka ka tegay waayihii burburka, isagoo degay dalka Ingiriiska.

Waxaa la sheegay in Axmednaaji uu Aabihiis ahaa Yemeni, isla markaana ay dhashay Hooyo Soomaali ah, taas oo ku korisay Muqdisho, wuxuuna ka mid noqday yaraantiisii hobolladii qaranka.

Markii laga soo tago heesaha kale ee Soomaalida, wuxuu Axmednaaji aad u xiisey jiray heesaha Banaadiriga oo suugaan badan uu ka curiyey.

Allaha u naxariistee geerida Marxuum Axmednaaji dhinacyada xaqiijiyey waxaa ka mid ah wiilkiisa oo waayahaan ku haayey isbitaal ku yaalla London oo caawa uu ku geeriyooday.

The post DEG DEG: Fanaankii weynaa Axmednaaji Sacad oo caawa ku geeriyooday magaalada… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this