Deeq A. Posted September 4, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi wasiiro ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeda waddanka Qatar. Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa safarkan ku wehlinayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in wafdiga ka socda xukuumadda uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda sare ee dalka Qatar, isla-markaana booqashooda ay ku aadan tahay horumarinta xiriirka iyi iskaashiga labada dal. Xamza ayaa inta uu joogo magaalada Dooxa kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar. Sidoo kale waxa ay ka wada-hadli doonaan horumarinta mashaariicda ay haatan Qatar ka fuliso gudaha dalka iyo arrinaha bani’aadanimada. Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Somalia, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo. Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhammeystiray. Si kastaba, safarka uu u baxay ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, dalkana uu ka socda dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo weli jira jiidda hore ee dagaalka.The post R/W Xamza oo u ambabaxay safar dibadeed + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites