Meiji Posted August 7, 2009 Halkii lagu barakacay oo ay ugu daba tageen kooxaha xukun doonka Iyadoo Nus malyan ruux ay ka barakaceen dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka socda Muqdisho, una dhaxeeya kooxaha xukunka dalka ku loolamaya, ayaa shacabka noqday kuwa midida loo soofeysto hadba dhinac laga jaro. Shacabka soomaaliyed oo ah kuwo dhibaatada joogto u noqotay cad bistiisna ah ayaa wali la daala dhacayay gaajada iyo abaaraha heysta tiiyoo ay u sii dheer tahay dagaalada lagu dhex dagaalamayo ee lagu barakacshay. Kooxaha isku haaya siyaasada soomaaliyed ayaa noqotay kuwo danaheeda siyaasadeed eegata, kuwaasoo ugu siraad koraya daadinta dhiiga shacabka oo ah mansab ay ku gaaraan Kursi. Boqolaal kun oo u barakacay meelo banaan ah sanadkii 2007-dii kadib dagaaladii Itoobiyaan iyo kooxaha kacdoonka kala horjeeday ayaa waxay hada labo sano kadib goobaha loo barakacay noqdeen kuwo bilicsan una muuqaal ekaatay mid ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee soomaalida. Sidaas oo ay tahay ayaa barakacayaasha u qaxay Ceelasha Biyaha oo isaga naaloonayay nolol iska dhex dhexaad ah oo ka madax banaaneyd dhinacyada ku lugta leh dagaalada ay kaga soo carareen Muqdisho ayaa hada waxay u muuqdaan in laga daba yimaaday. Kooxaha mucaaradka ayaa mar kale door biday inay xukun ku siraad koraan oo ay barakacayaasha degay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye si siyaasadeysan u xukumaan, deetana isticmaalaan awaamiiro gaar ah. Si kasta oo ay tahay ayaa waxaa wali muuqanaya xukun jaceylka kooxaha dowladda ka soo horjeeda oo ay ku doonayaan inay la wareegaan talada dalka, oo ay ku doonayaan inay meel kasta hogaankeeda noqdaan. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites