Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo kordhay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Maxaas?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-3.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka bilaabay dhaq-dhaaaq iyo abaabul culus oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xalay kulamo kala duwan oo aan loo kala kicin la yeeshay siyaasiyiinta reer Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo looga hadlay jiheynta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe.

Kulamadan ayaa intooda badan la’isku dhaafsaday warbixinno iyo fikrado ku aadan qaabka loo wajahayo dagaalka Al-Shabaab, maadaama dib loo soo celiyay ciidanka Xoogga dalka.

Wasiirka Batrolka iyo Macdanta xukuumadda Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo mid ah mas’uuliyiinta qaybta ka ahaa kulamadaas ayaa faah-faahin ka bixiyay shirarkooda, wuxuuna shaaca ka qaaday in diiradda lagu saaray dhaqaajinta howlgallada Al-Shabaab.

“Madaxweynaha JFS Hiiraan wuu sii joogayaa ilaa laga soo gabagabeeyo qorshaha dagaalka, waxaa diiradda la saarayaa xoojinta wadashaqeynta ciidanka Federaalka iyo Dadka Deegaanka si wadajir looga wada qaybqaato,” ayuu yiri wasiir Cabdirasaaq.

Waxaa kale oo uu ku daray “Ujeedka waa in dagaalka uu noqdo in la ogyahay meesha uu ka bilaabanayo iyo meesha uu ku dhamaanayo, uuna noqdo dagaal ay shacabka ka qayb qaataan”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in laga wada-hadlay sidii boorka laga jafi lahaa ciidanka Macawiisleyda oo door muuqdo ku leh dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu sii wado kulamdiisa, uuna sii joogo degmada Maxaas, iyada oo lagu wado inuu kadib uga sii gudbo Shabeeaha Dhexe.

Muddo bil ah ayuu madaxwyeynuhu ku sugnaa caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, wuxuuna u tegay hoggaaminta dagaalka ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray, inkastoo haddane deegaanada qaar dib looga soo baxay.

The post Maxaa kasoo kordhay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Maxaas? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this