Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo amray in Qaxootiga Eritrea laga tarxiilo Israel

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693809440653.jpg?resize=408%2C23

Ra’iisul Wasaaraha Israeli Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu doonayo in muhaajiriinta u dhashay Eritrea ah ee ku lug leh rabshado ka dhacay Tel Aviv loo musaafuriyo sida ugu dhakhsaha badan, waxaana uu amray qorshe dalkaasi looga saarayo dhammaan muhaajiriinta Afrikaanka ah.

Hadalkan ayaa yimid maalin ka dib markii ay kooxo iska soo horjeeda oo Eriteriyaan ah ay koonfurta Tel Aviv ka dhigeen bannaanbax ay ku dhaawacmeen tobanaan qof.

Taageerayaasha dowladda Eriteria iyo kuwa ka soo horjeeda ayaa dagaallamay iyagoo adeegsanayay alwaax, biro iyo dhagxaan, iyagoo burburiyay muraayadaha dukaamada iyo baabuurta booliiska. Bilayska Israa’iil ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, si ay u xakameeyaan bannaanbaxayaasha.

Rabshadaha Sabtidii dhacay ayaa dib masraxa ugu soo celiyey arrinta muhaajiriinta, taasi oo muddo dheer kala qaybisay Israel. Dib u soo noolaanshaha ayaa ku soo beegmay iyadoo Israel ay ku kala qeybsan tahay qorshaha dib-u-habaynta garsoorka ee ay waddo xukuumadda Netanyahu.

Ilaa 25,000 oo soo galooti Afrikaan ah ayaa ku nool Israel, waxayna intooda badan ka soo jeedaan Sudan iyo Eritrea, kuwaasi oo sheegay in ay dalalkooda uga soo carareen dagaalo iyo caburin.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo amray in Qaxootiga Eritrea laga tarxiilo Israel appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this