Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Khilaafka wasiir Jaamac iyo taliyaha ciidanka xoogga

Recommended Posts

Deeq A.   
Jaamac-Ibraahim.jpeg?fit=2500%2C1500&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar warbaahinta iyo bulshadaba ku dhex faafay ayaa sheegaya in hoggaanka sare ee ciidanka dowladda Soomaaliya uu ka dhex jiro khilaaf.

Tuhunka khilaafka ayaa wuxuu sii xoogeysay markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab ay ku dagaallameen xerada Cowsweyne, ka dibna ay soo baxeen warar sheegaya in khasaare xoog leh u halkaa ka dhashay.

Waxaa kaloo soo baxay in ciidanka dawladda ay ka bexeen goobo ay ka qabsadeen Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayey barnaamijka X (hore loo dhihi jiray Twitter) in khaladaadka dhanka howlgalka, sahayda iyo xiriirka uu ka dhacay weerarkaas, Kuwaas oo uu sheegay in cashir laga baranayo islamarkaasna la sixi doono.

Laakin waxa uu madaxweynuhu sidoo kale sheegay inay guul weyn ay ciidamadu ka gaareen dagaalka Cowsweyne, oo khasaare ka badan kan iyaga soo gaaray la gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab weerarka soo qaatay.

Goobahani, ayaa in muddo ah laga shaqeynayey abaabulka ciidankii la wareegi lahaa, taasoo lagu xiray soo afmeerista wajiga koowaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Dad xogogaal u ah khilaafka oo ka mid ah ciidanka qalabka sida, mas’uuliyiin ka tirsan dawladda iyo falanqeeyayaal ayaa intaba farta ku fiiqay in mushkiladda ay ka dhalatay khilaaf soo dhex galay wasiirka gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Ibrahim Sheekh Muxudiin.

Labada mas’uul ayaa ah labada qof ee marka laga yimaado madaxweynaha saamaynta xagga go’aan gaarista ku leh dagaalka Al-Shabaab.

Labada masuul mid ka mid ah wuu ka gaabsaday in uu naga la hadlo arrimahan iyo howlgalka ciidamada ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Mas’uulka kale, kama uusan jawaabin wicitaankeenna. Saraakiil kale oo dowladda ka tirsan iyo kuwa qaabilsan xiriirka warbaahinta inta way diideen inay ka hadlaan arrimahan.

Astaamaha muujinaya khilaafka

Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo bartay siyaasadda iyo amniga, ayaa sheegay in ciidamo inta meel qabsada haddana kasoo baxa in ay caqabad ku tahay hawlgal socda, iyo in sidoo kale shacabka ay niyad jabaan.

Axmed Kaboole, ayaa tilmaamay in habacsanaanta, iyo kala amar qaadashada aan wanaag saneyn, ay muujineyso in taliska ciidanka iyo wasaaradda gaashaandhiga in aanay wada socon, taasna laga dheehan karo khilaaf.

Kaboole, ayaa sheegay in ciidan aanu qaldamin, illaa hoggaanka uu qaldamo mooyaane.

Kaboole, ayaa carabka ku dhuftay in hawlgal ciidan uu mar waliba saldhig u yahay qorshe la og yahay, iyo xiriir.

Khabiirka amniga, ayaa dhanka kale sheegay in inkastoo aanu ku dhex jirin ciidanka, haddana la odorosi karo, sida marka ciidan goob galaan, haddana ka baxaan, ama ay u weerarayaan kooxda Al-Shabaab, goobaha ay ciidamadu la wareegaan.

Kaboole, ayaan dhanka kale sheegay in mararka qaarkood khalad dhici karo, taasna ay tahay in wax laga barto, oo dadka wax ka barta ay hantaan, marka u danbeysa guusha.

“waxaad moodda in aan waxba laga baran khaladaadkii hore u dhacay, haddii aan la wada fariisan oo aan la isla fiirin khaladkii dhacayna waa adkaanaysaa in hawlgallada lagu guulaysto” ayuu yiri Axmed Cabdullaahi Kaboole.

Kaboole, ayaa carabka ku dhuftay in hawlgal ciidan uu mar waliba saldhig u yahay qorshe la og yahay, iyo xiriir iyo wada shaqeyn wanaagsan oo u dhexeysa taliska ciidanka iyo saraakiisha rayidka ah ee Wasaaradda Gaashaandhiga, taas oo uu dareen ka muujiyay in shaki ka dhex muuqdo hadda.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka?

“Haddii khilaaf uu u dhaxeeyo taliyaha ciidanka iyo wasiirka gaashaandhigga, waxa ka dhacaya furimaha dagaalakaan aan u jeedno, waxaan is leeyahay waxay jawaab u tahay soo bixitaanka ciidanka” ayuu yiri khabiir arimaah amniga ka faallooda, si dhawna ula socda hawlagallada uu hogaaminayo madaxweynaha, kaasoo ka gaabsaday in aan magaciisa sheegno.

Wuxuu intaa ku daray in haddii ciidan la siiyo amarro ama farriimo iska soo hor jeeda ay taasi abuurayso jahawareer.

“Madaxweynuhu inkastoo uu leeyahay hogaaminta dagaalka, misna mas’uuliyiintan ayuu uga dambeeyaa, laakin waxaa laga rabay inuu wato khubaro milateri iyo dad ciidanka hore taliyeyaal uga soo noqday, ka dibna sidaas lagu go’aan gaaro”, ayuu sii raaciyey.

Saamaynta khilaafka

Ciidanka dawladda waxay ka baxeen, inta la ogyahay deegaanno ay ka mid yihiin Wabxo, galcad, Ceel Dheer, mesagawaa, Budbud, iyo Ceelbuur oo muddo todobaad ka yar ay ka qabsadeen Al-Shabaab.

Goobahan ayaa in muddo ah laga shaqeynayey abaabulka ciidankii la wareegi lahaa, taasoo lagu xiray soo afmeerista wajiga koowaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Wasiirka cadaaladda, Xasan Macallin Maxamuud oo jiidaha hore ee dagaalka ku sugan ayaa sheegay in ciidankooda ay Ceelbuur uga bexeen “xeel dagaal”, laakin dadka wax indhaindheeya waxay aaminsan yihiin in sababtu ay tahay in ciidanka aysan go’doon gelin maadaama ay Wabxo dib ugu soo laabteen Al-Shabaab.

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna todobaadkii hore sheegay in ay baari doonaan arrimaha horseeday in khasaare uu soo gaaro ciidanka milateriga. Isla arrintaas waxaa hore uga hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dalbaday in baaritaan iyo isla xisaabtan laaga sameeyo dhacdadii Cowsweyne.

Waxaa farta lagu fiiqayaa in khilaafka wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga dalka la sheegayo inuu soo dhex galay uu samayn ku yeeshay hawlgalka. Jeneral Ibraahim Sheekh Muxudiin wuxuu sheegay in uusan diyaar u ahayn inuu hawlgallada socdo ka hadlo, halka wasiir C/qaadir Maxamed Nuur uusan ka jawaabin wicitaankeena.

Isha: BBC

The post Xog: Khilaafka wasiir Jaamac iyo taliyaha ciidanka xoogga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this