Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee looga fal-celiyay arrintii uu maanta sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh?

Recommended Posts

Deeq A.   
373652114_721193723385103_14231844699155

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta isaga oo xiran dharka ciidanka xoogga dalka ka degay Maxaas, oo uu ku tegay diyaarad qumaantiga u kacda, taasi oo si weyn looga fal-celiyay.

Xasan ayaa halkaasi gaaray isaga oo ka duulaya dardar-galinta howl-galada ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxweynaha ee Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo Maxaas waxa uu wada-hadallo xasaasi ah la yeelan doona saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka.

Xasan ayaa dhinacyadan ku boorin doona sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.

Madaxweynaha oo muddo bil ah u jooga gobollada dhexe ee dalka howl-gallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

Haddaba sidee looga fal-celiyay arrinkaan?

Cabdisalaan Xasan: “Madaxweyne tuutaha ha dhigin illaa uu dalku nabad ka noqda.”

“Fariintii ugu danbaysay ayaad u dirtay khawaarijta,” ayuu yiri Sakariye Cali Dayib.

Saciid Maxamed Cumar: “Madaxweynaha shaqadaasi waa ka go’antahay Soomaliyeey garab istaaga.”

Haadi Maxamud Xasan ayaa isna waxa uu yiri: “Madaxwaynaha wuu dadaaala laakiin waxaa ku xariira rag lug goynaya Ilaahey waxaan ka baryaaya ragaas inuu ka qabto.”

“Maanta wixii kadambeeya waan ku tageerayaa madaxwayne dal xoreeye Ilaahay ha ku garab galo dadkeyga Soomaaliyeedow dalka haloo istago si aan nabad iyo barare ugu noolaano,” ayuu yiri Maxamed Cumar Mukhtaar.

Saliima Sheekh: “Ku dayasho ayuu mudan yhy mudane madaxweyne Xasan Sheekh guul.”

“Madaxweynuhu waa dadaalayaa laakiin waa inuu kuwa ciidamada shirqoola aad wax ka qabtaa,” Yaasiin Muuse.

Cabdiraxman Cabdullaahi Xasan: “Waxan marqaati ka nahay dadaalka naf hurnimada leh ee aad ku bixineyso xureynta dalka iyo dadka. Mudane madaxweyne ilaahey garabkaaga ha galo, guuleyso insha allah.”

The post Sidee looga fal-celiyay arrintii uu maanta sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this