Sign in to follow this  
Deeq A.

MURSAL: Baydhaba lagama soo bixi karo, lamana tegi karo

Recommended Posts

Deeq A.   
Mursal-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Baydhaba Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dadag ee ka jirta magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Ugu horreyn Mursal oo haatan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ku boggaadiyay duulaanka ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab, kaas oo uu hadda xoogiisa ka socdo deegaanada Galmudug iyo sidoo kale HirShabelle.

Maxamed Mursal ayaa intaas kadib si adag uga hadlay go’doonka ay Al-Shabaab geliyeen magaalada Baydhaba, isaga oo tilmaamay in aan la gelin karin, lagana soo bixi karin magaaladaas oo caasimad kumeel gaar u ah dowla dgoboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Caasimada KMG ah ee Baydhaba hal kiilo mitir lagama soo bixi karo, lamana tegi karo way go’doonsan tahay, waa la socotaan degmooyin ayaa go’doonsan toban iyo dhowr sano oo waxyaabaha daruuriyaadka ah u gudbi karin” ayuu yiri guddoomiyihii hore Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa uu farriin u diray hoggaanka Koonfur Galbeed, isaga oo ka dalbaday inuu u istaago wax ka qabashada dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi.

“Waxaan leenahay nidaamka meesha ka jira adigaa laga rabaa inaad shacabka goobaabisid, inaad dagaal gelisid si ay isaga qaadaan gumeysigaas” ayuu raaciyay.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata syaasiyiinta iyo dadka deegaanka ugu baaqay inay qaataan doorkooda, ayna ku biiraan dagaalka Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la filayo in wajiga labaad ee dagaalka uu ka billowdo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

The post MURSAL: Baydhaba lagama soo bixi karo, lamana tegi karo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this