Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog laga helayo weerar lagu qaaday Xerada Sheekh Maxamed Rage + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
deegaano-laga-xoreeyey-Al-Shabaab-dagaal

Xarardheere (Caasimada Online) – Faah-faahino ayaa ka soo baxaya duqayn xoog leh oo shalay ka dhacday deegaanka Dumaaye, oo hoostagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay saakay si ba’an u garaaceen Xerada Sheekh Maxamed Raage, oo ku taala afaafka hore ee deegaankaasi.

Xeradan ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay deganaa maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana loo arkaa goob muhiim u ah joogitaanka Koonfurta Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Degmada Xarardheere, Maxamed Deeq Yuusuf Kulmiye ayaa sheegay in xilligii ay duqayn dhaceysay uu shir uga socday horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in khilaaf Shabaabka dhexdiisa ah uu jiray, lana doonayay in shirkaasi lagu xaliyo.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ku dhawaad laba boqol oo nin lagu dilay weerarka dhinaca cirka ee Sabtidan ka dhacay xeradaasi.

“Kuwii ka soo badbaaday dagaalkii Cowsweyne ayaa meesha soo galay, halkaasaana lagu afjaray,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Deeq.

Marka laga soo taggo hadalka Gudoomiyaha, dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaare lixaad lihi uu maleeshiyadu ka soo gaaray duqayntaasi, isla-markaana gelinkii dambe ee shalay ay meydadkoodu ku aaseen dhulka hawdka ee Dumaaye iyo Dabagalo.

Duqayntan ayaa lagu sheegay tii ugu waxyeelada badneyd ee xubnaha Shabaabka loogu gaysto gobolkaasi, muddadii ay ka hawlgalayeen.

Duqayntu waxay imaanaysaa, xilli la abaabulayo hawlgal ballaaran oo qorshuhu yahay in ciidamada iyo xoogaga deegaanka ay ku xoreeyaan deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan koonfurta gobolkaasi.

The post Xog laga helayo weerar lagu qaaday Xerada Sheekh Maxamed Rage + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this