Sign in to follow this  
Deeq A.

FIQI oo sheegay inuu basbeelay saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab ee MUDUG

Recommended Posts

Deeq A.   
Fiqi.jpeg?fit=1080%2C720&ssl=1

Xarardheere (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa ka warbixiyay howlgal dhanka cirka ah oo maanta laga fuliyay duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Fiqi ayaa sheegay in weerarkan oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga lagu burburiyay saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab ee gobolka Mudug, kaas oo ku yaalla deegaanka Dumaaye oo hoostaga magaallo xeebeedka Xarardheere ee gobolkaasi.

Wasiir arrimaha gudaha ayaa sheegay in gebi ahaan uu basbeelay saldhigga la weeraray, kadib duqeyn lagu garaacay halkaasi.

“Saldhiggii Khawaarijta ee Dumaaye oo hoos tagta Xarardheere saakay gebi ahaan asaga iyo wixii ku jirey waa isku bas beeleen,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kiu daray in khasaare lixaad leh la gaarsiiyay xubnihii Al-Shabaab ee ku sugnaa halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Xilliga ay duqeynta dhaceysay ayaa sidoo kale waxaa goobta uu shir uga socday xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

“Howlgal Qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye oo Boostada degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug. Howlgalka ayaa lagu beegsaday saldhig ay Khawaarijtu ku lahayd deegaankaan oo Xiligaas ay shir ku lahaayeen Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah” ayaa lagu yiri qoraal looga hadlay howlgalkaas oo ay iska kaashadeen ciidamada iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa  sheegtay in goobta lagu laayay xubnihii dhammaan xubnihii ku shirayay halkaasi, sidoo kalena la burburiyay saldhigga la weeraray.

Deegaanka uu howlgalka ka dhacay ayaa qiyaastii 50 km dhanka waqooyi ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo ay saldhigyo muhiim ah ku leedahay kooxda.

The post FIQI oo sheegay inuu basbeelay saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab ee MUDUG appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this