Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta tegay wasaaradda gaashaandhigga + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
374260744_659268279635655_74586788728942

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta wasaaradda gaashaandhigga, si uu ugu kuurgalo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaraddaaasi.

Xamza ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay xubno kamid ah golihiisa wasiirada, isaga oo lu kulmay hoggaanka wasaaradda iyo saraakiila ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay gacanna ku xoreyneyso dalka, gacanna ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024.

Sidoo kale wuxuu ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, isla markaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo Sharaf.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan.

Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah dalkana ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Shabaab, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn.

369724881_659269272968889_53706437439224 369730895_659271386302011_56569137629190 369792115_659270729635410_66909485028105 369796811_659270026302147_15489223110588 369800871_659268036302346_81853482291190 374181194_659271912968625_89297932674235 374182251_659269996302150_91847583957721 374185942_659270526302097_19791389958175 374188620_659271219635361_37948029319008 374214042_659270782968738_26334763921230 374236986_659267836302366_79012097890645 374260744_659268279635655_74586788728942

The post Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta tegay wasaaradda gaashaandhigga + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this