Sign in to follow this  
Deeq A.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Booliska

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693653064349.jpg?resize=720%2C48

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo ku jooga Gobolka Mudug, ayaa tababar usoo xidhay  in ka badan 300 oo askari oo ka tirsan laamaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Puntland kuwaasi oo dhameystay tababar 3-Bilood iyo 15Cisho uga socday xerada tababarka Ciidanka ee Godad.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey Ciidanka tababarka dhameystay wuxuuna u rajeeyay in tababarka ay qaateen uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, iyagoo qeyb ka noqon doona qorsheyaasha amniga lagu horumarinayo.

Dowladda Puntland ayaa muhiimad gaar ah siisay dib-u-habeynta , tayeynta iyo dhismaha Ciidanka oo bar-bilow u ah guulaha laga gaaray xagga Amniga, Difaaca Puntland iyo Dowlad wanaageeda.

Waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay munaasabadda, Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliska Booliska Puntland,  Saraakiisha xerada tababarka ee Godad, Maamulka Gobolka Mudug , Kan Degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Godad ee Degmada Gaalkacyo.

FB_IMG_1693653069502.jpg?resize=720%2C51 FB_IMG_1693653034150.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1693653055263.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1693653060714.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1693653099876.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1693653083072.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1693653095659.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Booliska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this