Sign in to follow this  
Deeq A.

MURSAL oo soo saaray farriin ku socota Koonfur Galbeed iyo Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   
Mursal.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyp bartamaha waddanka Soomaaliya.

Mursal oo haatan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ku boggaadiyay duulaanka ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay jabka kooxda lagu gaarsiiyay Galmudug iyo HirShabelle oo kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada culus.

Maxamed Mursal ayaase tilmaamay in abaabulka socda laga gaabiyay dhanka Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo uu xusay inay haatan isugu tageen xubnaha Al-Shabaab,

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay siyaasiyiinta iyo madaxda maamulladaas inay gabeen doorkooda, isla-markaana aysan ku dayan dadka Galmudug iyo HirShabelle, isaga oo usoo jeediyay inay diyaar garoobaan, si ay kooxda Al-Shabaab uga xoreystaan dhulkooda.

Waxa kale oo uu ku baaqay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu ka qayb qaato halganka socda, si Al-Shabaab looga xoreeyo dalka oo dhan.

Maanta waxaa la joogaa xiligii qof weliba uu muwaadinku is weydiin lahaa in lasoo gaaray doorkii uu ka qaadan lahaa dagaalka lagu ciribtirayo khawaariijta, Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa difaaca deegaanka dhul baaxad weyn oo ah Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle, Waxaa Koofur galbeed iyo Jubbaland laga rabaa in ay diyaargarow sameeyaan maadaama meelaha ay salka la galayaan ay tahay, waxa ay ila tahay in loo istaago lana baraarugo” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo la filayo in wajiga labaad ee dagaalka uu ka billowdo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

The post MURSAL oo soo saaray farriin ku socota Koonfur Galbeed iyo Jubbaland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this