Deeq A. Posted September 2, 2023 W A A K U MA MUSHARAX CIRO INYAR AKHRI Musharax Ciro. Waa nin isku wadda markab cid waliba saaran tahey ama reero guuraya. Qolo waa fardo fuul. Qaar baa kalumeysato ah. Qaar baa diyaradda saaran. Qaar baa beeraley ah. Kuwa leh Geelu xoolo kuma jiro. Kuwa amiisan inan dabadood la hadlin. Nabi allow ninba afkii kugu amaan qaar aaminsan Kuwa Trainka Qurbaha Saaran. Kuwa Weli Istaanka Taagan oo sugaya. Qaarna Safarkaasey naawilayaan. Kuwona wey ka habsameen. Intaaso geediya isagey sugayaan. Waxase aan intaasba la mid aheyn. Kuwo safarka horcararey, nasiib xumo meel walbey tagaan. Waxa la leeyahey tigidhka qaldan baad soo goosate dib u noqo. Qaarna waxa la leeyahey diyaraddu wey ka buuxda. Qaarna waxa lagula talinaya suga next flight ninkaad la socoteen baa hor cararteene. Isna intaasiba dhinac walba waxey leeyahin waanu kula socona. Wuu kala horaya. Waxuuse leeyahey ( idinma wadda haleelaye) tilmaha aan idin siiyo raaca. Ha iga lumina geedigeenu waa guusha qarankeena. Markaa nin walowba jihadda uu kaga muuqdo sidda #GAARA_BIDHOODHKA iftiinkiisa ilaasho. Si aanad u lumin. Koox aan ku jiraa. Waxaanu qaabilsan nahey. Kuwa yara luma in aan nidhaahdo waar soo leexda. Anaga waddoyinku nagu balamiyey. Sidda (Trafiikadda) Dadku qaar baa dhaafaya, kuwo jibeysan ama jihaddu ka luntey diyaradda ama Trainka ama baabuurkaanu saareyna. Dhamatood waa halgamayaal meel u wadda socda. Waa isku jiho waxey wadda rabaan guusha qarakeena. Sidaas daradeed waxa qudha Musharax Ciro kala horayaa Geel soo ururey oo darka isugu yimi. Sidaas darteed geelo wadda cabuu rabaa. Micnahu waa Somaliland oo Nabadda Dalkoo Nabadda Dakoo is wadda jecel Hadaba Guushu Qarankeenu waa socota nin walowba ku dedaal in aanad anban Inta aan ku jiraa Markaa shaqaddu dhamaato waxanu nahey ( Shaqalaha diyaradda ama markabka ama doonida loo soo dirayo ee ugu danbeeya ee la odhanayo) dadkii isu soo dhamaaye. Soo baxa hadaba. Dadkii iyo dalkii halkii loo rabey ee guusha qaranka aheyd wuu gaadhe. Waa bilaahi Towfiiq Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News Share this post Link to post Share on other sites