Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Memorial for Hassan Yonis Habbane

Recommended Posts

Hargeysa (Qarannews)- Xaflad baroordiiq ah oo lagu maamuusayey xuska sannad-guurada 1aad ee ka soo wareegtay geeridii Allaah ha u naxariistee Muj. Xasan Yoonis Habbane oo dabayaaqadii kalhore geeriyooday ayaa shalay lagu qabtay qubuuraha qaranka magaalada Hargeysa oo uu ku aasan yahay.

Xafladda baroordiiqda ah oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka kala socdaya axsaabta mucaaridka ah, Golaha Wakiillada iyo dadka mid ah ehliyadii marxuunka, ayaa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ugu horreyn halkaa hadal kooban ka jeediyey, waxa uu ka warramayy taariikhdii marxuunka iyo kaalintii uu ku lahaa hagalgankii dib-u-xorraynta madaxbannaanida Somaliland. Md. Siilaanyo waxa uu xusay in marxuunku ahaa mujaahid daacad ah oo naf iyo maalba u huray arrimaha la xidhiidha horumarinta bulshada Somaliland.

Sida oo kale, Muj. Muuse Biixi Cabdi, oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyey, ayaa ka xog warramay doorkii uu marxuunku ku lahaa halgankii, isla markaana ay ahayd in uu qaranku taalo u sameeyo mujaahidka.

 

Muj. Cabdillaahi Askar Barkhad, ayaa isaguna sheegay in uu marxuunku qaybweyn ka soo qaatay halgankii, isla markaana uu xillal sar sare ka soo qabtay ururkii dhaqdhaqaaqa SNM.

 

Sidoo kale, mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, oo iyaguna ka qaybgala munaasibadan baroordiiqda ah, ayaa ka warramay shakhsiyadii iyo dareenkii waddaninimo ee Muj. Xasan Yoonis Habbane, waxaanay sheegeen in uu qayb libaax leh ka soo qaatay aasaaskii ciidanka qaranka, isla markaana uu ku dadaali jiray horumarinta iyo tayayntooda.

 

Maxamed Xasan Yoonis Habbane oo ah wiil uu dhalay Mujaahidku, ayaa ka qaybgalayaashii xuska u mahadnaqay, waxaannu sheegay in uu marxuunka taalo u dhisay, Maxamed Mahdi Cali, oo ku nool dalka England. ugu dambayntii waxa dadka ka qaybgalay munaasibadda baroordiiqda ahi ay marxuunka iyo mujaahidiintii kale ee SNM-ba Ilaahay uga baryeen in uu naxariistii janno ka warraabiyo.

 

Allaah ha u naxariistee Mujaahid Xasan Yoonis Habbane oo ka mid ah hoggaamiyeyaashii caanka ah ee horkacayey halgankii hubaysnaa ee SNM, waxa uu 29 November 2006 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this