Deeq A. Posted September 2, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin kala duwan ayaa ka dhalatay qoraal uu shalay soo saaray madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo uu si adag uga hadlay weerarkii Cowswayne oo ay ku baxeen saraakiil iyo askar badan, oo la sheegay in ay ku timid talo-xumada masuuliyiinta qaar. Shariif ayaa waxa uu sheegay in aan laga sii aamusnaan karin qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa, ayna tahay in masuuliyadeeda qaataan dadka ay quseeyso. “Masuuliyadiisa waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore. Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu soo saaray. Sidoo kale waxa uu yiri “Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka.” Shariif ayaa dalbaday in aan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, islamarkaana la siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen. Haddaba sidee looga fal-celiyay hadalka Shariif? Saalax Haashim Axmed: “Alleyle mudane Madaxweyne waad haleeshay dayaca jiro dhinaca ciidanka ah. Inkastoo aad ka yara gaabiseen, hadana waa arin soodhawayn mudan ka hadalkeeda.” Cabdishakuur Axmed ayuu yiri “Danta Soomaaliya waxaa ugu muhiimsan in hebel fashilmo. Very sad!.” “Madaxweyne wiilasha dhintay wax laga aamusi karo maahan dayacii loo geestay,” ayuu yiri Yuusuf Maxamed Xasan. Axmed Xasan: “Madaxweyne waad asiibtay. Intaa ayaa talo ugu filan.” Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Waxaan waa boor isku qaris.” “Booskii lagaaga baahnaa kama soo bixin Sheekh Shariif, meeshi aan kaa maleysaneenay iyo meeshaad soo istaagtay kala dheer,” ayuu yiri Maxamed Daahir. Mahad Wabar: “Mahadsanid mudane madaxweyne waa garab taaganahay ciidanka qaranka Soomaaliyed.: Cabdiqaadir Maxamed ayaa isna waxa uu yiri “Madaxwayne wax magaaratadaan ha u joojin isu qaba inay dadka ugu caqli badan yihin.” “Adeer waxaa tahay mucaarad aan wax mabda laheyn,” ayuu yiri Yaxye Cabdullaahi Xasan. Cabdullaahi Cawil: “Yaa kaso dhex hadlaayo walaalow iscadey oo muuqaal soo duub.” “Madaxweyne waad asiibtay. Intaa ayaa talo ugu filan,” ayuu yiri Axmed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qoraalka madaxweynihii hore ee dalka. Axmed Xasan: “Madaxweyne waad asiibtay. Intaa ayaa talo ugu filan.”The post Sidee looga fal-celiyay qoraalkii Sheekh Shariif? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites