Sign in to follow this  
Deeq A.

Geedi oo soo jeediyay in hal arrin loo sameeyo ciidanka la dagaalamaya Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Geedi-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa soo saaray baaq culus oo ku aadan in laga wada qayb-qaato dagaalka adag ee haatan dowladda ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Geedi ayaa ayaa sheegay in dhammaan dadka Soomaaliyeed looga baaqay inay qaataan doorkooda, ayna ku biiraan halganka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in qof kasta uu dagaalka uga qayb qaadan karo waxa uu awoodo, isaga oo taageero u muujinayo ciidanka Xoogga dalka.

“Waxaa nala gudboon kulligeen inaan dagaalka galno haddaan Soomaali nahay mid qoray qaata mid maskaxda ka dhaqa kuwa la khalday, mid xoolo biya” ayuu yiri Cali Geeddi.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in hal arrin loo sameeyo ciidamada haatan la dagaalamaya maleeshiyada Al-Shabaab, taas oo ah in loo fiuro sanduuq lacag loogu uruurinayo.

Cali Maxamed Geedi ayaa xusay in lacagtaas looga maarmi doono kaalmo laga sugo dibadda, ayna wax u tari doono ciidamada dagaalka iula jiro kooxda Al-Shabaab.

“War sanduuq dhaqaale hala abuuro, haddii qado, quraac iyo casho laga cuno magaalooyinka iyo meelaha ladan hal laga dhigo ayaan dhihi lahaa ee inta halagu deeqo ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiis raaciyay.

Mr. Geedi ayaa kamid noqanaya siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee haatan bilaabay inay taageero u muujiyaan dagaalka haatan ka socda furinta hore ee gobolllada dalka.

Soomaaliya ayaa in muddo ah dagaal kula jirtay kooxda Shabaab, balse wuxuu marayaaa dagaalku meeshii ugu adkeyd, kadib go’aanka Xasan Sheekh ee ku aadan xoreynta dalka.

The post Geedi oo soo jeediyay in hal arrin loo sameeyo ciidanka la dagaalamaya Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this