Deeq A. Posted September 2, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqidsho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan caasimada. Qaraxa ayaa dhashay gaari siday Qudaar oo ka yimid dhanka degmada Afgooye, wuxuuna ka dhacay halka loo yaqaano Warlaliska oo ka tirsan degmada Dayniile, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in gaariga ay markii hore ka shakiyeen ciidamada ammaanka, isla-markaana uu qarxay xilli lagu howlanaa in baaris lagu sameeyo. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay laba nin oo la socday baabuurka qarxay, kuwaas oo isku dayay inay dhuumasho uga tegaan goobta. Sidoo kale qaraxan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa degmada Dayniile, ayada oo muddo kooban uu hakad galay isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka. Ma jiro wax faah-faahin ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay laamaha amniga, marka laga tego in laga hortegay weerarkaasi qaraxa ah. Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay magaalada Muqdisho, inkastoo dhanka kale ay howlgallo amni xaqijin ah wadaan ciidamada dowladda. Al-Shabaab oo haatan jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaallada ka socda gobollada dalka, ayaa u muuqato inay iyaduna culeys soo saartay magaalasa Muqdisho oo ay ka fulineyso weeraro kala duwan iyo qaraxyo.The post Faah-faahin ku saabsan qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites