Sign in to follow this  
Deeq A.

Goob uu shir uga socday xubnaha Al-Shabaab oo weerar culus lagu qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab.jpg?fit=1894%2C961&ssl=1

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanayaa kuwa caalamiga ah ay howlgal culus ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolkaasi.

Howlgalkan oo ay barbar socotay duqeyn dhanka cirka ah ayaa waxaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Dumaayo oo hoostaga magaallo xeebeedka Xarardheere ee gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha goobta ku sugnaa ay ku jireen horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad kale.

“Howlgal Qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye oo Boostada degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug. Howlgalka ayaa lagu beegsaday saldhig ay Khawaarijtu ku lahayd deegaankaan oo Xiligaas ay shir ku lahaayeen Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa  sheegtay in goobta lagu laayay xubnihii dhammaan xubnihii ku shirayay halkaasi, sidoo kalena la burburiyay saldhigga la weeraray.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ka socda deegaanka Dumaayo ee gobolka Mudug.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Gobolka Mudug ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee uu xoogoodu ka socdo guud ahaan deegaanada maamulka Galmudug.

The post Goob uu shir uga socday xubnaha Al-Shabaab oo weerar culus lagu qaaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this