Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar: PM and Cabinet, head of Army Police...

Recommended Posts

Ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hogaaminayo oo maqribkii ka soo dagay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhaxe.

 

June 18, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Ra’isal wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo xubna ka tirsan labada golle ee dowladda Fedraaliga Soomaaliya ayaa maqribnimadii caawa waxa ay soo gaareen magaalada Jowhar.

 

Ra’isul wasaaraha inta aanay soo dagin diyaaraddii sidday waxaa ka soo horeysay diyaarad sidday xubna ka tirsan labada gole ee dowladda fedraaliga Soomaaliya oo ka koobnaa Sideed xubnood oo ay ka mid ahaayeen wasiiru dowlaha madaxtooyada dowladda fedraaliga Soomaaliya Dr. Khaalid Cumar Cali, Wasiirka horumarinta Reer miyiga Maxamed Maxamud Guuleed “Gacma dheere†iyo xubna kale.

 

Ra’isul wasaare Geedo oo isagana diyaaraddii waday ay iyadana soo cagadhigatay magaalada Jowhar 30 daqiiqo kaddib ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii la socday Wasiirka Kaluumeysiga iyo qeyraadka Badda Xasan Abshir Faarax.

 

Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gaareen magaalada Jowhar waxa ay tageen xarun loogu talagalay oo ay ku qaabilayeen siyaasiinta iyo waxgaradka magaalada Jowhar.

 

 

Wararka kale ee ka soo baxaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in tagitaanka Ra’isul wasaaraha dowladda fedraaliga Soomaaliya iyo xubnaha labada gole ay hordhac u tahay madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo la filayo labada maalmood ee soo socota in uu soo gaaro magaalada Jowhar.

 

Ra’isul wasaare Geeddi oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi waxa uu sheegay in uu ka tagay magaalada Nairobi aanu dib dambe ugu soo laabaneen isagoo intaa ku daray in xubnaha labada gole ay kala tagayaan deegaanadii ay ka yimaadeen iyagoo bilow u ah sidii ay u nabadeyn lahaayeen deegaanada ay ka soo jeedaan iyo gobolada dalka guud ahaan.

 

Todobaad ka hor ayey ahyed markii Guddoomiyaha guddiga siyaasadda gobolka Sh/dhaxe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere uu sheegay in magaalada Jowhar aanay dowladdu ku nagaan karin maadaama ay tahay magaalo aad u yar.

 

Maxamed Dheer ayaa sheegay in loo baahan yahay sida uu Ra’isul wasaare Geeddi sheegay in magaalada Muqdisho dowladdu tagto anaguna sidaa ayaan raali ka nahay.

 

Dowladda Kenya ayaa u qabatay xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Nairobi ilaa 22-ka bishan inay uga ambabaxaan dalka Kenya haddii kale ay ku dhici doonto in la qabto ama sharci ay sameystaan

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this