Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo qoraal cusub kasoo saartay dagaalka dhinaca dhaqaalaha ee Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Biixi-Iimaan-Cige.jpeg?fit=2048%2C1366&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku balan-qaadeyso inay sii xoojineyao dagaalka dhanka dhaqaalaha ee dowladdu ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay si joogta ah ugu hawlantahay ciribtirka khawaarijta Argagixisada ah ee dhibka badan ku haya Bulshada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa intaas ku sii daray “Hawlgalka ciidan ee ciidamadeena geesiyaasha ah hormuudka ka yihiin, waxaa bar bar socda dagaal ka dhaqaale iyo fikir ee ka dhanka ah Khawaarijta.”

Wasaaradda ayaa qoraalkaan ku sheegtay inay hormuud ka tahay dagaalka qeybta dhaqaalaha ee dowladda federalka Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab.

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa qoraalkaan ku sheegay in ay ka go’an tahay Dowladda in Argagixisada lagala dagaalo dhinac kasta.

“Iyada oo laga duulayo siyaasadda hogaamineed ee Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiikh Maxamuud, Ma jirto meel looga laabanayo dagaalka lagula jiro Argagixosada oo hada Dowladdu ay waddadiisii guusha cagta saartay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasiirka ayaan intaas ku sii daray, “Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay door muuqda kaga jirtaa la dagaalanka maalgelinta Argagixisada, si loo naafeeyo awoodooda maaliyadeed iyo dhaqaale.”

5f028ccc-6946-452e-be9a-5e86e8e7af28.jpe                                          

                                       

The post DF oo qoraal cusub kasoo saartay dagaalka dhinaca dhaqaalaha ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this