Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay tirada dagaalamayaal badan oo lagu dilay Shabaab soo weeraray Qoryooley

Recommended Posts

Deeq A.   
Al-Shabaab-Al-Shabab-scaled.jpg?fit=2560

Qoryooley (Caasimada Online) –

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraalkaan oo ka aoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu yiri “In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay degmada Qoryoolay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.”

Howlgalka ayaa ka danbeeyay kadib markii Al-Shabaab ay isku dayeen inay weerar ku qaadaan degmada Qoryoolay.

“Ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa burburiyay gaadiid qaraxyo ay ku soo xireen Khawaarijta oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan bulshada,” ayaa lagu yiri qoraalka

Ciidanka dowladda ayaa wali ku sii raad jooga firxadka Al-Shabaab-kii soo weeraray degmada ee ka baxsaday dagaalka, waxaana meelaha qaar daadsan meydadkooda, sida ay sheegtay dowladdu.

“Ciidanka Qaranka Saaxiibada Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta duulaanka ku ah dadkeena, dalkeena iyo diinteena,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Kooxda Al-Shabaab oo ciidamada qaranka ku qaada weerarro afjar ah ayaa la sheegay inay ku jabeen weerarkii ay galabta ku soo qaadeen degmada Qoryooley.

Ciidamada dowladda oo ka war helay weerarkii kooxdaas ayaa u diyaarsanaa, waxayna isaga difaaceen si adag, dad ku sugan Qoryooley ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dagaal culus oo galabta ka dhacay gudaha iyo daafaha degmadaas.

0168a467-af3c-414b-8eff-3c59470b9f6d.jpe

The post DF oo shaacisay tirada dagaalamayaal badan oo lagu dilay Shabaab soo weeraray Qoryooley appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this