Sign in to follow this  
Deeq A.

Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Gaalkacyo ka furay Koobka Gobollada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693582370330.jpg?resize=720%2C48

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo furay Tartanka 9-aad ee Kubada Cagta ee gobolada Puntland oo sanadka lagu qabtay magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubada Cagta sida wanaagsan ee ay usoo agaasimeen koobka, isaga oo kula dar-daarmay inay halkaas ka sii wadaan dedaalka si tartanku ugu soo geba-geboobo jawi lagu wada qanacsan yahay islamarkaana  la xoojiyo daah-furnaanta ciyaaraha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo marti gelinta iyo soo dhoweynta wanaagsan ee ay u muujiyeen gobolada kale ee ka qayb galaya koobka.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa ku amaanay Ciidanka amaanka sida ay u xaqiijiyeen kaalintooda Amniga ee guud ahaan gobolka, gaar ahaan magaalada Gaalkacayo oo iyadu martigelisay koobka isaga oo faray inay sii xoojiyaan shaqada ay hayaan.

FB_IMG_1693582392760.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1693582450361.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1693582375054.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1693582370330.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1693582410559.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1693582434383.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo Gaalkacyo ka furay Koobka Gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this