Cowke Posted June 1, 2010 Maleeshiyaad Ka Tirsanaa Maamulka Hargeysa Oo Ku Sugnaa Xudun Oo Iyagu U Soo Wareegay Ciidamada SSC Written by Jidbaale.com Tuesday, 01 June 2010 07:23 Laascaanood (Jidbaale.com) mar aanu la xidhiidhnay degmada Xudun oo ka tirsan gobolka Sool ilo si weyn loogu kalsoon yahay waxay noo xaqiijiyeen inay maleeshiyaad ka tirsanaan jirey maamulka hargeysa oo uu horboode u ahaan jirey Xuseen Ducaale Dheeg, ay isaga soo goosteen, ka dib markii ay ******** in la soo gaadhay xilligii la isu taagi lahaa safaynta iyo dib u soo celinta deegamada maqan. Ciidamo ay tiradoodu dhan tahay 300 oo askari oo wata hubkooda iyo tababarkooda ayaa ku biiray ciidamada xaq u dirirka ah ee SSC, kuwaasi oo haatan ku sugan degmada Tukaraq oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamo iyaguna ka soo goostay dhinaca maamulka Garoowe, oo iska halkasi xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyey. Isku soo wada duubo dhamaan ciidamada isaga soo baxaya maamulada u bahoobay dibindaabyeynta shacabka SSC ayaa ku soo beegmaya xilli shacab weynaha SSC ee gudaha iyo dibaduba ay ka midaysan yihiin sidii ay sharaftooda iyo dhulkooda ula soo noqon lahaayeen. Jidbaale.com@gmail.com Jidbaale.com Quote Share this post Link to post Share on other sites