Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdishakuur Cali Mire: Mas’uuliyad ayaa naga saaran badbaadinta jiritaanka ciidanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Mire.jpeg?fit=1436%2C1310&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, oo ka hadlay dagaalalda dalka ka socda ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, ayaa sheegay inay mas’uuliyad ka saaran tahay bad-baadinta ciidanka xoogga dalka.

“Waajib ayey nagu tahay garab istaaga hawl-gallada dalka looga xoreynayo kooxaha argagaxisadda ah, mana ahan arrin cid gaar ah lagu raali galinayo ee waa masuuliyad qaran,” ayuu Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. 

Waxa uu intaas ku daray “Sidoo kale mas’uuliyad qaran ayaa naga saaran badbaadinta jiritaanka ciidanka xoogga dalka, waana in Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya qaado talloobooyin lagula xisaabtamayo cidda iska leh masuuliyadda dayaca keenay khasaaraha soo gaaray CXD.” 

Xildhibaanka ayaa u muuqday inuu u jawaabayo dadka diidan in laga hadlo guuldarrooyinka ciidanka iyo khaladaadka sababay in kuwa badan lagu laayo weeraro ay fuliyeen maleeshiyada Al-Shabaab. 

Ciidamada dowladda ayaa toddobaadkii tegay askar badan looga dilay weerar ka dhacay deeganaka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo xog ay heshay Caasimada Online ay sheegeyso in ciidanka la geeyey xilli laga digay inaan sidaas la sameyn.

Xogta ayaa sheegeysa in wasiirka difaacca Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac uu bixiyey amarkaas, inkasta oo taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ay ka digeen in deegaanku ku yaallo meel aanay ciidamada kale ee dowladda ka dhoweyn balse uu ku adkeystay. 

Sidoo kale Isniintii, ciidamada dowladda ayaa dib uga soo gurtay deegaanada kale ah; Ceel Dheer, Masagaway, Budbud iyo Galcad, oo ay ka qabsadeen maleeshiyada Al-Shabaab. 

Dhacdooyinka ayaa keenay in su’aalo la iska weydiiyo habka ay dowladda ku wajaheyso dagaalka iyo khaladaadka dhacay, balse xubno ka tirsan dowladda ayaa isku dayaya inay aamusiyaan cid kasta oo arrintan ka hadasha, ayada oo lagu calaameynayo inay taageerto Al-Shabaab.

The post Cabdishakuur Cali Mire: Mas’uuliyad ayaa naga saaran badbaadinta jiritaanka ciidanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this