Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidanka Puntland oo howl-gallo ka bilaabay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
373647197_702936675184043_83481215413944

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran ka bilaabay howl-gal ballaaran, kadib dalab uga yimida hoggaanka SSC-khaatumo.

Waaxda miino baarka u qaabilsan Booliska maamulka Puntland ayaa howl-galkaan ka sameeyay Laascaanood, kaasi oo lagu burburinayo haraaga hubkii ciidamada Somaliland ku garaaceen halkaasi.

Bayaan kasoo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in SSC-Khaatumo ay ka dalbatay fulinta howl-galkaan, si uusan waxyeelo u geysan haraaga aan weli qarxin ee hubkii ciidamada Somaliland ku garaacday magaalada Laascaanood.

“Howl-gal lagu burburinayay haraadigii iyo hubkii ay Somaaliland ay ku garaacayeen Gobolka Sool ayay Ciidanka booliska DPL Waaxda miina baarka ka sameeyeen magaalada Laascaano iyo deegaanada ku xeeran kadib markii ay maamulka SSC-khaatumo ka codsad sadeen fulinta howl galkan Taliska Ciidanka Booliska Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Booliska Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Saraakiisha ciidanka booliska oo ilaalinaya nidaamka dowladnimo iyo badqabka bulshada ayaa iga oo fulinaya amarka taliyaha ciidanka Booliska DPL S/guuto Mumin Abdi Shire ayaa shaqadan naf hurnimada leh waxay maalmaha soo socda ay ka qaban doonaan dhammaan goobihii lagu dagaalamay ee gobolka Sool.”

Arrintaan ayaa imaneysa xilli SSC-khaatumo uu dhawaan sheegay in maamulkooda uu hub ka dhigis caadi ah ku sameeyay ciidamada Somaliland ee gobolka Sool, kadib dagaalkii Jimcihii horay jabka xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada Somaliland.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale dhawaan gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Karaash oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Puntland ayaa halkaasi kula kulmay hoggaanka maamulka SCC-Khaatumo, odayaasha dhaqanka magaalada iyo qaar ka mid ah bulshada magaalada Laascaanood.

Si kastaba, Maamulka Puntland ayaa taageero xooggaan u muujiyay SSC-Khaatumo, inkasta oo SSC ay ku taameyso maamul u gooni ah, xilli ay xukuumadda Somaliland qorsheynayso duulaan aargoosi u ah dagaalkii Jimcihii horay ka dhashay Laascaanood.

373555568_702936548517389_75058110058047

373628144_702936618517382_76671916545641

373647197_702936675184043_83481215413944

373619029_702936708517373_76231897797018

372965858_702936831850694_88474867812772

373586231_702936855184025_88488612128181

373539914_702936878517356_56954082103691

The post Sawirro: Ciidanka Puntland oo howl-gallo ka bilaabay Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this