Sign in to follow this  
Deeq A.

PAKISTAN: Weerar Ismiidaamin ah oo lagu dilay 9 askari

Recommended Posts

Deeq A.   
Pakistan.jpg?fit=975%2C544&ssl=1

Islamabad (Caasimada Online) – Weerar is-miidaamin ah oo loo adeegsaday mooto ayaa waxaa lagu weeraray kolonyo ciidamo ah, sida ay sheegeen saraakiisha dalka Pakistan.

Ciidamadan ayaa la sheegay in xilligaasi ay marayeen gobol aad u durugsan oo ku yaalla waqooyiga galbeed ee dalka Pakistan.

Weerarkan is-miidaaminta ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 9 ka mid ah ciidamadii la bartilmaameedsaday, halka tiro kalena lagu dhaawacay.

Weerarka ayaa ka dhacay degmadda Bannu oo ka tirsan gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo ku yaalla xuduudda Pakistan la wadaagto Afghanistan, sida laga soo xigtay garabka warbaahinta ee ciidamada milateriga.

Ra’iisul wasaaraha xil-gaadhsiinta ee Pakistan, Anwaar-ul-Haq Kakar ayaa fariin uu ku daabacay boggiisa X, ee hore loo oran jiray Twitter, ku cambaareeyey weerarka.

Illaa haatan ma jirto cid sheegatay weerarkan.

Hase haatee weerarkan ayaa ka dhacay gobol ay weeraro joogto ah ka fuliyaan kooxda la mamnuucay Talibanta Pakistan.

Toddobaadkii hore uun bay ahayd markii lix askari oo u dhashay dalka Pakistan lagu dilay is-rasaasayn ka dhacday degmada Waziristan, kaasi oo ay ku lug lahayd kooxda Talibanta Pakistan.

The post PAKISTAN: Weerar Ismiidaamin ah oo lagu dilay 9 askari appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this