Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo bilowday burburinta Haraaga hubka aan weli qarxin ee daadsan Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693547514626.jpg?resize=720%2C96

Waaxda miino baarka u qaabilsan Booliska dowladda Puntland ayaa magaalada Laascaanood iyo degaannada ku xeeran ka sameeyay hawlgal lagu burburinayo haraaga hubkii ciidamada Somaliland ku garaaceen halkaas.

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayay ku sheegeen in maamulka SSC-khaatumo uu ka dalbaday fulintan hawlgalkan lagu burburinayo haraaga aan weli qarxin ee hubkii Somaliland ku garaacday degaanka.

“Howlgal lagu burburinayay haraadigii iyo hubkii ay Somaaliland ay ku garaacayeen Gobolka Sool ayay Ciidanka booliska DPL Waaxda miina baarka ka sameeyeen magaalada Laascaano iyo deegaanada ku xeeran kadib markii ay maamulka SSC-khaatumo  ka codsad sadeen fulinta howl galkan” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Saraakiisha Ciidanka booliska oo ilaalinaya nidaamka dowladnimo iyo badqabka bulshada ayaa iyaga oo fulinaya amarka Taliyaha ciidanka Booliska DPL S/guuto Mumin Abdi Shire ayaa shaqadan naf hurnimada leh waxay maalmaha soosocda ay ka qaban doonaan dhammaan goobihii lagu dagaalamay ee gobolka Sool” ayuu sii raaciyay qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo bilowday burburinta Haraaga hubka aan weli qarxin ee daadsan Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this