Sign in to follow this  
Deeq A.

Murrashax Cirro oo Baaq u Jeediyay Madaxweyne Muuse iyo Guddida Garxajis

Recommended Posts

Deeq A.   

Murrashax Cirro oo Cirro oo Baaq u Jeediyay Madaxweyne Muuse iyo Guddida West Burco Clan

Hargeysa(Qaran news)- Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa madaxweynaha iyo guddida West Burco Clan ugu baaqay inay qoddobadii go’aanka ergada ee arrimaha farsamada u baahnaa ay fuliyaan.

Murrashax Cabdiraxmaan Cirro hadal kooban oo uu ka jeediyay xaflad lagu qabtay Hargeysa, wuxuu mar kale soo dhaweeyay go’aankii lagu xaliyay khilaafkii dhinaca doorashooyinka ee dalka ka taagnaa labada sanno, iyadoo ergadu soo jeedisay in la isi saaro doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasada 13ka November 2024

Md. Cirro wuxuu bogaadiyay Guddoomiyaha Ururka Waaberi Cumar Shucayb oo uu ku amaanay inuu ahaa urur siyaasadeedkii u horreeyay ee aqbalay go’aankii ergada.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha iyo Guddiyada beelaha West Burco Clan ku booriyay inay fuliyaan qoddobada dhinacooda khuseeyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this