Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka HORSEED, Cabdilaahi Darawal oo aqbalay Go’aankii Ergada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka HORSEED oo Sabtida Shaacinaya inu Aqbalay Go’aankii Ergada

Hargeysa(Qaran)-Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka HORSEED, Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) ayaa la xaqiijiyay inuu Sabtida shaacinayo inuu danta guud uu xeriyay oo uu ka tanasulay go’aankii hore ee uu kaga horyimid qaraarkii ergada bariga Burco soo saartay.

Waxa ilo ku dhow dhow Urueka HORSEED ay sheegeen in Guddoomiye Cabdilaahi Dirawal uu u talo badsaday isla markaana go’aansaday in uu aqbalo go’aanka ergada oo uu hore u sheegay inay qayrul sharci yihiin.

Cabdilaahi Dirawal oo ka mid ah siyaasi degan oo ka mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM, wuxuuna ahaa Wasiir aan dhicin oo xilka hayey 1995kii ilaa 2006dii oo uu iska casilay Xukuumaddii Rayaale isagoo xiligaas ahaa Wasiirka Caafimaadka.

Waxa kaloo uu soo qabtay Wasaradaha Caddaaladda,Gaashasndhiga. Sidoo kalena wuxuu ahaa dawladdii Cabdiraxmaan Tuur Abaanduulihii u horreeyay ee Ciidanka Qaranka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this