Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa In Khiyaamo Qaran Lagu Soo Oogaa Ciddii Ka Masuul Ahayd In Uu Ciidanku Jabo

Recommended Posts

Deeq A.   

25kii Bishan Ogos 2023 Jabkii ku dhacay ciidanka S/land ee aanu welli Muse Biixi ka hadlin sidii uu u dhacay jabku iyo cidda ka masuul ahayd in ay Huwantu is hawl yar u jabiso ciidanka qaranka, dibna si habaqa la’ahayd oo firxad ka muuqday ugu so gurto Oog, haddii uu ku dhici lahaa ciidan dal aan dalkan S/land ahayn, saddex arrimood ayaan sinaba loo baajin kareen in ay dhacaan.

Arrinta 1aad: Dawladda oo iscasisha
Arrinta 2aad: Gadood shicik.
Arrinta 3aad: Inqilaab military.

Saddexdaa arrimood midna S/land kama dhicin.

Dawladda S/land may iscalsin, dadkana umay sheegin siday.wax u dhaceen, dushana kumay qaadan masuuliyadda jabka ciidanka.
Xilba iskama saarin maamulka Muse Biixi arrinta foosha xun ee dhacday.

Gadood shicib: (Popular uprising). Ayadooy muuqato in maamulka Muse Biixi iyo haya’dihii dalku ay ka watwateegayaan sheegida cidda ka masuul ah jabka ciidanka ayaan haddana aanu shicbki gadoodin kuna qamasmin.madaxtooyada.

Inqilaab ma dhicin, ciidan gadooday ma jiro. Kala baahsanaan cidanka dhexdiisa ah ayuun baa la sheegayaa.

Xaalku waa sidee?

Kow, Ma jirto illaa hadda cid qaadatay masuuliyadda jabka ciidanka qaranka soo gaadhay. M/weyne kama hadlin, Jananka ciidanku kama halin, masuul kalena hadalkiisa daa.

Laba, inqilaab ma dhicin, shidanaaba shidan.

Saddex, waxa ayana nasiib darro ah shacabkii S/lanfd oo asna haba yaraatee ka dhiidhiyin kana damqan ciidanka qaranka ee ay dawladdu u diidanayd in ay hore-iyo-dib midna u socdaan ee aayar oo dhalayay qorshe xumo awgeed ay ciidamadii jaabajaabada ahaa ee Huwantu ku laayeeen Goojacada iyo Maraage, hub waxay haysteena ay kaga furteen. Waxa isweydiin mudan waxuu shicibku ula xisaabtami waayey maamulka Muuse Biixi.

Dawladnimo iyo qaranimo siday dadka reer
S/land u fahmern way ka weyntahay kana balaadhan tahay. Dawlad laguma noqdo isla xisaabtan la’aan. Axdi-qarameedka busha weyntu dhigatay haddaan lagu dhaqmin dawlad lama noqon karo.

Waa in maxkamada la soo taagaa ciddii jabisay ciidanka qaranka. Maxaa looga meeraysanayaa?

By:’Jamafalaag
Hargeisa, Somaliland.
jamafalaag@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this