Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii guutada Khaalid Binu Waliid oo ‘nolol iyo geeri’ lagu la’yahay

Recommended Posts

Deeq A.   
Mukhtaar-Shaahmacabe.jpg?fit=779%2C634&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), oo ahaa ah Taliyaha guutada Khaalid Binu Waliid ee ciidamada xoogga dalka ayaa weli nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Taliye Shaah-macabe ayaa la waayay wixii ka dambeeyay weerarkii kooxda Al-Shabaab ku qaaday xerada Cowsweyne ee gobolka Galgaduud, kaasi oo geystay khasaare xoogan.

Shaah-macabe ayaa hoggaaminayay ciidamo gaarayay illaa 2,000 oo askari, kuwaasi oo ka baxay Muqdisho, kuna biiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la geeyay jiida hore, gaar ahaan bariga gobolla Galgaduud.

Ciidanka uu hoggaaminayay taliyaha la’ weysan yahay ayaa markaas qabtay deegaanka Cowswayne, kadib waxaa weerar rogaal celis ah oo qaraxyo ku billowday ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa ku sugnaa xerada markii ay Al-Shabaab kusoo qaadeen weerarka, illaa iyo haddana waxaa lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Al-Shabaab oo maalmo kahor soo bandhigay muuqaalka weerarkii Cowswayne, weli ma aysan sheegin in sarkaalkan uu ka tirsanaa saraakiishii iyo ciidamadii ay ku dileen weerarkaasi.

Dhinaca kale, qaar kamid ah qoyska sarkaalkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qoyskoodu aaminsan yahay inuu nool yahay Shaah-macabe, oo uu ku maqan yahay shaqada qaranka.

“Xogaha aan helayno oo ay dadku noosoo sheegayaan waxaa waaye inuu bed qabo oo caafimaad qabo, ninkaasi uu shaqo qaranka ku jiro,” ayey tiri Jawaahir Baarqab oo la hadashay BBC.

Sidoo kale waxay sheegtay inay warbixin ka sugayaan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiishii ay wada shaqaynayeen taliyaha la weysan yahay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda war rasmi ah kasoo saarin arrintaan, inkasta oo wasiir ku-xigeenka warfaafinta uu beeniyay in sarkaalkan nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxay dowladda ku weyday saraakiil muhiim ah, oo ay kamid yihiin taliye ku-xigeenkii Danab Xasan Tuure, taliyihii ciidanka booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole iyo taliyihii guutada 3-aad ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogg dalka, Abshir Shataqeey.

The post Taliyihii guutada Khaalid Binu Waliid oo ‘nolol iyo geeri’ lagu la’yahay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this