Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka oo Xadhiga ka jaray Dhismaha Rugta Akhriska Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka oo Xadhiga ka jaray Dhismaha Rugta Akhriska Hargeysa.
IMG-20230831-WA0008.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhiga ka jaray dhismaha Rugta Akhriska Hargaysa oo ay hirgalisay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska jsl.

waxaana kasoo qayb galay xaflada furitaanka madaxweyne ku xigeenka jsl, wasiirka wasaaradda waxbarashada, wasiirka wasaaradda warfaafinta, wasiirka wasaaradda hawlaha guud, Badhasaabka gobolka maroodi-jeex,ku xigeenka Garyaqaanka guud,xildhibaano,Banda Jamacadaha iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimayaasha waaxda xog-isgaadhsiinta iyo Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda waxbarashada iyagoo ka waramay maraaxilkii uu soo maray dhismahani, sidoo kalena sheegay in laga maalgaliyay miisaaniyada dawlada.

Wasiirada wasaaraddaha Warfaafinta iyo Hawlaha guud oo hadalka iska daba maray ayaa wasaaradda waxbarashada ku amaanay dadaalka ay ugu jirto sidii bulshada reer Somaliland ay u heli laaheeyeen goobo akhris, iyagoo sheegay in wasaaraddu ay maalmihii u danbeeyay ku hawlanayd sidii loo fidin lahaa waxbarashada dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarasahada Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada akhriska iyo qoraalka, isagoo dhanka kale sheegayna in rugta akhriska ee hargaysa ay wax badan ka badali doonto baahidii loo qabay in la helo goobaha akhriska.

Madaxwayne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada akhrisku leeyahay, waxaanu wasaaradda waxbarashada ku bogaadiyay dadaalka ay galisay goobaha wax-akhriska.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this