Deeq A. Posted August 31, 2023 Ankara (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulamo u dhexeeyay madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo ka dhacay magaalada Ankara ee caasimada wadanka Turkiga. Kulamadan oo labo waqti dhacay ayaa qabsoomay todobaadkan, waxaana mid kamid ah madaxweynayaasha ku wehlinayay taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Wararka ayaa sheegaya in wada-hadalladan uu dalbaday Farmaajo, sidoo kalena uu aqbalay madaxweyne Shariif, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Farmaajo ayaa lagu soo warramayaa in ugu horreyntii uu cafis guud weydiistay Shariif, kaas oo ku aadan dhacdooyinkii uu geystay muddo xileedkiisii, gaar ahaan xanibaaddii diyaaradaha iyo sidoo kale weerarkii hoteel Ma’ida ee xilligaas lagu qaaday musharixiinta. Xogaha aan ka helnay wada-hadalladaas ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu aqbalay raalli-gelinta Farmaajo, isla-markaana uu ku ballameen in la sii wado shirarka siyaasadeed. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada madaxweyne ay isla soo hadal qaadeen xaaladda dalka, gaar ahaan sidii ay u dhisi lahaayeen isbaheysi cusub, waxaana fikraddaas ay ka timid Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oona Shariif uu ogolaaday. Isbaheysigan lagu gar-daadinayo Turkiga ayaa la rumeysan yahay in ujeedkiisa uu yahay in looga soo horjeesto madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, waxaana dadaalka ugu badan ku bixinaya kooxdii Farmaajo ee loo yaqaano Nabad iyo Nolol. Dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay xoreynta dalka, madaxweynahaha uu u joogo Dhuusamareeb. Si kastaba, labada madaxweyne ayaa horay usoo saaray qoraallo kala duwan oo ay taageero ugu muujiyaan gulufka dagaal ee ay haatan wadaan ciidanka Xoogga dalka.The post Xogta kulanka dhex-maray Farmaajo iyo Shariif + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites