Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay dowladda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
373541679_658210573074759_49171119681354

Muqdisho (Caasimada Online ) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyn golaha uga warbixiyay safar hal maalin ah oo uu shalay ku tegay degmada Aadan Yabaal, kaas oo uu sheegay inuu la xiriiray howlgallada ka socda dalka iyo dhiiragelinta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Intaasi kadib golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey Heshiisyo is afgarad oo ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiisyadan ay wada gaareen labada dowladood ayaa la xiriira arrimaha dibedda, caafimaadka, waxbarashada, warfaafinta, dalxiiska iyo tayeynta maamullada dowliga ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday xaaladda ammaanka ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka.

Shirka ayaa sidoo kale looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danmbeeyey ee xoreynta isla markaana lagu xasillinayey dalka.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa si weyn u boggaadiyay doorka ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku aadan dagaallada ka socda HirShabelle iyo Galmudug.

Waxaa kale oo uu goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dagalka adag ee haatan lagula jiro xubnaha Shabaab ee ku aadan sidii looga saari lahaa dalka oo dhan.

Soomaaliya ayaa waxaa ka socda howlgallo ay guullo kasoo hooyeen ciidamada huwanta, inkastoo ay deegaanada qaar ay ka soo baxeen, taas oo lagu sheegay xeelad milatari.

373541679_658210573074759_49171119681354 373309284_658210549741428_81971567152341 371124766_658210536408096_35121561724364 371091749_658210559741427_18799180830571 371289103_658210609741422_60447961139490

The post Sawirro: Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay dowladda Itoobiya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this