Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo gebi ahaanba ka baxday nidaamkii Furdooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
1200px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of

Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay gebi ahaanba joojisay nidaamkii Furdooyinka Soomaaliya ee SOMSAT.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ayay ku sheegtay in ay joojisay sistemkii Furdooyinka Soomaaliya ee ee ganacsatadu ku soo dalban jirtay cadeynta alaabta.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in Puntland hirgelisay nidaam furdooyin oo u gaar ah kaas oo lagu magacaabo (PUNTCAS).

“Waxaa loo guuray habka computerized ah oo u gaar ah dowladda Puntland loona yaqaan (PUNTCAS)” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ma faahfaahin sababta ay uga guurtay nidaamkii guud ee Furdooyinka Soomaaliya oo ay hore u isticmaali jirtay.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo gebi ahaanba ka baxday nidaamkii Furdooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this