Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: President Faroole chairs cabinet + visits new armed forces: PICS

Recommended Posts

Shir aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen xukuumadda Dowladda Puntland.

 

Monday, 14-Sep 2009

 

Garowe,Puntland:Shir kan aan caadiga ahayn ayaa maanta waxa uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Dowladda Puntland..

 

shirkan ayaa waxa looga hadlay warbixino dhowr ah oo ku saabsan safaradii dibedda iyo gudaha ee Madaxweynaha iyo weftiyadii uu horkacayey ay ku soo mareen dalka dibadiisa iyo gudahiisa,waxaa kaloo isna ka hadlay wasiirka Arrimaha gudaha oo ka warbixiyey xaaladdii ka taagnayd degaanka Gobolka Bari oo uu dhowaan wasiirka iyo xubno guddi ah oo ay ku tageen degaanadii ay ku dagaalameen Beelaha walaalaha ee degaanka Ufayn.

Shirkan ayaa waxa maanta shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr:Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud.

Furitaankii shirkaasi ayaa waxa ugu horraynba lagu furay siday caadadu ahayd Ayaadaha Quraanka Kariimka ah.

Intaasi ka dibna waxaa hadalkii furay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr:Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyey safarkii ay ku aadeen dalka dibadiisa ee wadamada kala ah Maraykanka,Engiriisk a,Emaaraatka.Madaxwe ynaha ayaa intaasi waxa uu ku daray in shirkii Washiton ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya waayo ma ayan joogin cid kale sida DFKG ah iyo Maamulka Soomaaliland oo iyana shirka lagu casuumay,markaa waxaanu qaadanay in aan kala hadalno Shirka Washiton arrimaha Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Burcadbadeed iyo arrimaha Bani’aadanimada,kula nkaasi waxaanu ka soo gaarnay guulo la taaban karo,hadana aan sugayno jawaabihii codsiyada aanu gudbinay iyo Talooyinkii,sidoo kale waxaanu la kulanay Jaaliyada ku dhaqan Maraykanka ee u dhashay degaanka Puntland.sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ay is arkeen Madaxda Dowladda Ingiriiska iyo Jaaliyadaha ku dhaqan London,madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay isaga iyo weftigiisu ay la kulmeen markii ay soo mareen Emaaraatka Ganacsato Carab ah,Amiirka Kuweyt iyo Raasulkhayma iyagan waxyaabo badan ayaanu isla garanay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in safaradii dibedda ay ahaayeen kuwa loo baahnaa guulna aanu ka gaarnay.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay safarkii gudaha ee uu ku tagey isaga iyo weftigiisii ballaarnaa ee ay ku tageen Gobolka Mudug,Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay warbixin dheer oo ku saabsan Gobolka Mudug iyo wixii u qabsoomay sida in ay u sameeyeen Maamul Gobol iyo Mid degaan oo ay dadku si aad ah u soo dhoweeyeen kana raali noqdeen,hadana uu weli ku sugan yahay Madaxweyne ku xigeenka Cabdisamed Cali shire si uu u soo dhameeyo wixii harsanaa,Madaxweynah a ayaa waxa uu intaasi raaciyey in ay dhowaan dib u eegis lagu samayn doono Garsoorka oo runtii aad looga cabanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this