Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Celi Guudlaawe oo adeegsaday xeelad kale markii ay gadoodeen ciidanka DF

Recommended Posts

Deeq A.   
373003951_761811735985435_16800921659146

Nuur-dugle (Caasimada Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa saacadihii lasoo dhaafay deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidamada dib u xoreynta ee sugan deegaanka Nuur-Dugle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhiira-gelinta ciidanka deegaanka ee Macawiisley, wuxuu Cali Guudlaawe bilaabay markii gobolka Shabeellada Dhexe ay soo buux-dhaafiyeen ciidamada xoogga dalka oo ka soo gadooday furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa fagaare kula hadlay boqolaal ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee fadhigoodu yahay deegaanka Nuurdugle, wuxuuna ku bogaadiyay sida nafhurnimada leh oo ay isaga dulqaadeen cadowga khawaarijta ah.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay inay u taagan yihiin xoojinta iyo dhiirigalinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee u babac dhigaya dhagarta argagixisada.

Sidoo kale Madaxweynaha HirShabeelle wuxuu xusay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ay wajihi doonaan ciribtirka khawaarijta ku dhuumaaleysanaya deegaanada u dhaxeeya Hirshabeelle iyo Galmudug maalmaha soo socda.

Furimihii ama deegaanadii la xoreeyey ee gobolka Galgaduud ayey ka soo baxeen ciidmada qaranka, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta kaliftay dayacaan.

Dhamaan madaxdii dalka ayaa isugu timid furimaha ay soo buux-dhaafiyeen ciidmada xoogga dalka oo la sheegay inay ka gadoodsan yihiin dayacaad ay wajahayaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo ka mid ah masuuliyiin ku sugan degmada Aadan-Yabaal ayaa sheegay in arrimo farsamo ay ciidanku uga soo baxeen furimihii ay ka dagaalamayeen.

“Sidaa ogtihiin ciidamadu waxay ka soo baxeen aagaggii, farsamo ayey uga soo baxeen, dadka reer Aadan-yabaal waxaa laga rabaa inay is abaabulaan oo Macawiisley ay banaanka ka difaacdo magaalada,” ayuu Aadan-yabaal ka sheegay Taliyaha xoogga.

Markii ay ciidamadu gadood bilaabeen deegaanada HirShabeelle waxaa ka bilowday dhiiragelinta iyo abaabulka ciidamada deegaanka ee Macawiisley, si ay isaga difaacaan Al-Shabaab, hadii lagu guuleysa waayo xalinta tabashada ciidanka xoogga dalka ee gadoodsan.

369970371_761811715985437_16993290064560 372916343_761811722652103_71202748501122 372917299_761811699318772_79511159937441 372920599_761811685985440_71866541112427 373003951_761811735985435_16800921659146 373030379_761811652652110_57831560144004 373468321_761811659318776_87544544163258

 

The post Sawirro: Celi Guudlaawe oo adeegsaday xeelad kale markii ay gadoodeen ciidanka DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this