Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday R/W Xamza

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693390756417.jpg?fit=1079%2C720&

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay safarka uu maanta ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ku gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo uu tegayo markiisii labaad.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa safarkan ku wehlinayay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, xildhibaano kamid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo u tegay in la xoojiyo abaabulka ka socda maaulka HirShabelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu joogo halkaasi booqan doona saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, isaga oo ku dhiiragelin doono halganka ay ugu jiraan xoreynta dalka. Sidoo kale wuxuu kormeeri doona guud ahaan degmada oo ay ka jiraan xaalado nololeed.

Xamza ayaa maalmo ka hor kasoo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, wuxuuna safarkiisu kusoo aadaya xilli muddo ku dhow bil madaxweynaha uu joogo caasimada dowlad-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaasi oo uu utegay dhaqaajinta dagaalka kooxda Al-Shabaab dhanka ah.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay safarka ra’iisul wasaaraha?

Cabaas Biyoow Cali Raage: Aadan Yabaal in la booqdo kaliya macna sameyn meyso eee shaqaa la iska rabba.

Sharmaake Cabdi Macalim ayaa waxa uu yiri “Wixii dhacay hadaan rag xilkooda ku wayn waxa socdaa huu haa dheh iyo shimbirayahow hees.”

“Qarashkaan socodka lagu bixinaayo maa ciidanka howlihiisa lagu bixiyo, waa tan ciidanka dhibaato dhaqaalo furimaha uga soo baxaayaane,” ayuu yiri Cusmaan Cabdi.

Maxamed Maxamuud: “Dowladdii oo dhan Galmudug ayay aadey aaway Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.”

“Ra’iisul wasaare Xamze waa mahadsan yahay lkn shaqo badan ayaa dhiman,” ayuu yiri Ciise Jarane.

Cabdiraxmaan: “Haduu tuutaha xiran laha waan aqbali laheen laakiin daacad lagama ahan dagaalka.”

“Igu sawir waxba matarto oo saacado ah ee wax la taaban Karo Hala timaado xukuumada,” ayuu yiri Cilmi Suldaan.

The post Fal-celin ka dhalatay tallaabadii uu maanta qaaday R/W Xamza appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this