Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor-Qoor iyo Wasiir Jaamac oo gaaray furinta iyo qorshaha socda

Recommended Posts

Deeq A.   
370544349_855791302783645_80338228103930

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta gaaray deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Safarkaan ayaa waxaa madaxweyne Axmed Qoor-Qoor ku wehlinaya wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo saraakiil kale.

Ujeedka socdaalkan ay Qoor-Qoor iyo Jaamac ku tageen furinta ayaa ah u kuur-gelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirra-gelinta ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah iyo shacabka deegaanka, kuwaasi oo u awood sheegtay kooxaha argagaxisada.

Safarka madaxdaan ayaa imaneysa xilli dhawaan weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Cowsweyne lagu laayey askar badan, ayada oo saraakiisha amniga ay sheegeen in tani ay ku timid talo-xumada wasiirka difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Inkasta oo kooxda ay wajaheyso culeys xooggan, haddana waxaa muuqata in weli ay awood u leedahay inay fuliso weeraro, kuwaasi oo waxyeelo kala duwan kasoo gaarto ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira.

Si kastaba, ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday howl-gallada kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb, waxaan toddobaadkii u dambeeyay gacanta dowladda soo galay deegaano iyo degmooyin muhiim oo kamid tahay Ceelbuur.

Ceelbuur oo muhiim u aheyd Shabaab ayaa dhawaan laga xoreeyay kooxda oo ayadu sanado badan gacanta ku haysay, waxayna kamid tahay qabashadeeda qorsha lagu soo idleynayo wejiga koowaad ee dagaalka.

Isku soo wada duubo, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab ayaa loo qorsheeyey waqti kooban, si Koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore, sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka.

371773388_855791242783651_26262624623852

371498167_855791336116975_33800350321552

372689670_855791322783643_24254727107057

370675790_855791236116985_17557161263230

370544349_855791302783645_80338228103930

371895117_855791296116979_46985600928637

The post Sawirro: Qoor-Qoor iyo Wasiir Jaamac oo gaaray furinta iyo qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this