Juje Posted August 7, 2006 Madaxda sare ee dawladda oo ku heshiiyay in la soo dhiso xukuumad cusub oo ka madax banaan golaha baarlamanka. Baydhabo:-Madaxda sare ee dawladda ayaa maanta uga warbixiyay golaha baarlamanka heshiiskii ay ka soo shaqeysay dawladda Ethiopia oo ay gaareen 3daasi masuul, kadib markii golaha baarlamanka maanta uu kulan ku yeeshay xarunta ADC. Madaxweynaha dawladda kmg C/llaahi Yuusuf Axmed oo khudbad dheer ka jeediyay baarlamanka hortiisa ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen in la soo dhiso xukuumad kooban oo ka madax banaan golaha baarlamanka, isagoo xusay in xukuumada soo socota laga soo dhisi doono baarlamanka ka banaanka. “hadaad ahaydeen laba baarlamaaan, maanta waxaa la idiin gartay in aan noqotaan xukuumad kooban iyo baarlamankii oo badan, laba baarlamaan oo isla eg baan noqonay oo qolo walba ayadaa isku codeysay sidaasi ayay wax u dhaceen†ayuu yiri C/llaahi Yuusuf. “dawladii hore wey baxaysaa ra’iisal wasaaraha baa haraya, waxa ayna noqonaysa xukuumada lasoo dhisaya mid ku kooban 31 wasiir†ayuu sii raaciyay. Madaxweyne Yuusuf, guddoomiye Shariif Xasan iyo ra’iisal wasaare Geedi ayaa ka hor akhriyay baarlamanka hortiisa waxyaabihii ay ku heshiiyeen, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii ay ku heshiiyeen. 1) In la rido xukuumada Cali Maxamed Geedi, balse laga soo reebo ra’iisal wasaraha oo qura. 2) In xukuumada la soo dhisayo ay noqoto mid laga soo dhiso golaha baarlamanka ka banaanka. 3) In xukuumadu ay ku koobnaato 31 wasiir iyo ku xigeenadooda. 4) In xukuumada muddo 10 maalmood ah lagu soo dhiso Xildhibaanada baarlamanka ayaa si diiran u soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen madaxda sare ee dawlada, waxa uuna madaxweynaha ka codsaday ra’iisal wasaare Geedi in uu soo magacaabo aqoonyahano iyo shaqsiyaad gudan kara waajibaadka saran. Heshiiskan ay gaareen madaxda sare ee dawladda ayaa waxaa ka soo shaqeysay dawlada Ethiopia oo wafdi heer sare ah u soo dirtay magaalada Baydhabo, kaasi oo ku guulaystay in uu dhameeyo khilaafkii wiiqay dawladda cagaha badan aan ku taagneyn. Quote Share this post Link to post Share on other sites