Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in lala xisaabtamayo Saraakiisha Ciidan ee Khiyaanada sameeya

Recommended Posts

Deeq A.   
XASAN-12.png?resize=773%2C411&ssl=1

Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la joogo waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidanka la siiyay ku tagri falay ee khiyaanada sameeyay.

”Kuwa awoodda Ciidanka la siiyey ee ku takri falay, oo Khiyaanada ku kacay, dadkana mardabeeyay waa lala xisaabtamayaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in kuwa tashwiishka gelinaya ciidamada Soomaaliya ay lamid yihiin kooxaha argagixisada ah ee qoriga iyo qaraxa wadata.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka socda ee lagu cirib tirayo Argagixisada uusan u joogsan doonin war xuma tashiil iyo qof tashwiish geliya halganka, meelaha la joogana aan laga soo noqon doonin.

“Ama hal goob dagaal ha lagu guul darreysto, ama mid xun oo tashwiish wada wax ha sheego, dagaalku wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joognana kasoo noqon mayno, horay ayaan u soconaynaa” ayuu sii raaciyay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in lala xisaabtamayo Saraakiisha Ciidan ee Khiyaanada sameeya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this