Sign in to follow this  
Deeq A.

Seynab Xaabsey oo soo jawaabtay: Aniga iyo Khawaarij waxaa naga dhexeeya…+Video

Recommended Posts

Deeq A.   
65757034_1580545742076760_20670351567445

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda oo shir jaraa’id u qabatay Wariyeyaasha ayaa ka hadashay warar saacadihii ugu dambeeyay lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay inay taageertay kooxda Al-Shabaab.

Warkan ayaa soo shaac baxay, kadib markii ay hadal heyn xoogan ka dhalatay kiiska horjooge sare oo shalay iska soo dhiibay Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur, una dhashay beesha Sacad ee Habargidir.

Guddoomiye Seynab Xaabsey ayaa waxaa xalay barteeda Facebook-gga lagu soo qoray “Ma isla soconaa? Waxaa yimid maandheere, soo dhawaaw mudane soo dhawaaw. Inta maangaabka ahna warkooda waa in bartooda loogu tago hadii kale noqda maandheerayaal gacan save ahna soo gala, dalkaan mudo yar kadib waa wada save inshaallah.”

Haddaba Seynab Xaabsey oo arrintan ka jawaabtay ayaa sheegtay in aysan taageerin Al-Shabaab, waxayna tilmaamay inuu ka dhexeeyo dhiigeeda oo daata.

“Waxaa aragteen meelaha qaar oo la leeyahay guddoomiyaha degmada Warta Nabadda oo taageereysa Khawaarijta iyo afkooda, saaxibyaalo waxaa idin leeyahay ani Khawaarij kaaf iyo kala dheeri waxa naga dhexeeyana waa inuu dhiigeyga daato oo kaliya” ayay tiri.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in xubin kasta oo ka tirsan Al-Shabaab oo dagaalka lagu soo qabto lasoo xiri doono, halka midka isa soo dhiiba la cafin doono, sida uu horay u ballan qaaday madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh.

“Midkaa kusoo qabano furinta dagaalka waxaan keeneynaa isaga oo jeebeysan kii isaga oo masaakiinsan oo duleysan ciriirina dareema waan soo dhaweyneynaa, annaga oo madaxweynaha hadalkiisa qaadaneyno” ayay hadalkeeda sii raacisay Seynab Xaabsey.

Ugu dambeyn waxa ay u jawaabtay dad ay sheegtay in ka faafiyeen warar dacaayad ah, isla-markaana ayada lagu sumcad dilayo.

“Waxaan leeyahay dadka af Khawaarijta buun buuninaayow idinka iyo annaga waxa noo dhexeeyo waad taqaaniin, annaga Shabaabka iyo inta la shaqeysaba dhiigeenna ayaa isku bannaan” ayay mar kale tiri guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda.

The post Seynab Xaabsey oo soo jawaabtay: Aniga iyo Khawaarij waxaa naga dhexeeya…+Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this