Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif oo DF Somalia u diray dalab la xiriira dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Sheekh-Shariif-scaled.jpeg?fit=2560%2C17

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta war qoraal ah kasoo saaray dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shariif ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sii socoshada dagaalkaas oo qaatay in ka badan todobo bilood oo xiriir ah.

Somaliland iyo SSC-Khaatuma ayuu sidoo kale ugu baaqay inay is xakameeyaan, isla-markaana ay dagaalka joojiyaan, si wadahadal loogu dhammeeyo xiisadda Laascaanood.

Madaxweyinhii hore ee dalka oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dalab culus u diray dowladda federaalka, isaga oo ugu baaqay inay door nabadeed ka qaadato dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool.

“Dowladda Fedraalka Soomaaliya waa inay qaadato dowrkeeda ku aaddan Nabadaynta iyo Heshiisiinta labada dhinac, waxaana adkaynaynaa in dagaal dambe uusan wiil hadda nool nooga dhiman, Carruur kale aan la agoontayn, Hooyo Soomaaliyeed Asaay aan loo saarin, loona ogolaado dadka shacabka ah inay guryahooda dib ugu soo laabtaan si nabad ah” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Halkan hoose ka akhriso:-

Baaq Nabadeed

Marka hore Allah ha u naxariisto dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday dagaalkii mudada 6-da bilood ka badan ka socday magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda, intii dhaawacyada soo gaareen ilaahay ha u booga dhayo.

Dagaalkan wuxuu qixiyay shacab badan oo xaalado kala duwan ku sugnaa intii uu socday, waxaa ku dhintay dad aan waxba galabsan waxaas oo dhibaato ahna waxay ahayd wax laga baaqsan karay.

Maadaama ay dhibaatadu socotay in muddo ah horeyna baaqyo kala duwan aan uga soo saarnay waxaan markale ku celinaynaa in dagaal dambe uusan dhicin, dadkii guryahooda ka barakacay dib ugu soo noqdaan, colaaddana lagu dhameeyo wada hadal.

Labada dhinac ee dagaallamay waxaan ku dhiirra gelinaynaa in Nabadda fursad la siiyo, miiska wada hadal kana shuruud la’aan lagu soo noqdo, annagoo fahamsan heerka xun ee ay colaaddu gaartay haddana waxaan indheer garadka iyo isimada dhaqanka la gudboon inay u istaagaan sidii dagaalka halkiisa loogu joojin lahaa, dadka dariska ah ee walaalaha ah ee waligood deegaan wadaagga ahaana loo heshiisiin lahaa.

Ugu dambayn Dowladda Fedraalka Soomaaliya waa inay qaadato dowrkeeda ku aaddan Nabadaynta iyo Heshiisiinta labada dhinac, waxaana adkaynaynaa in dagaal dambe uusan wiil hadda nool nooga dhiman, Carruur kale aan la agoontayn, Hooyo Soomaaliyeed Asaay aan loo saarin, loona ogolaado dadka shacabka ah inay guryahooda dib ugu soo laabtaan si nabad ah.

Wabillahi Towfiiq.

 

The post Shariif oo DF Somalia u diray dalab la xiriira dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this