Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergada Habarjeclo oo Shacisay in Madaxweyne Muuse Aqbalay Go’aamadoodii

Recommended Posts

Deeq A.   

Ergada East Burco Clan oo Shacisay in Madaxweyne Muuse Aqbalay Go’aamadoodii

Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay dhammaan go’aankii ergada beelaha bariga Burco ay ku xalinayeen khilaafka ka taagnaa kala hormarta doorashooyinka oo ay u muddeeyeen inay qabsoomaan labada doorashaba 13ka November 2024.

Salaadiinta beelaha baruga Burco ayaa kulan ay caawa la yeesheen madaxweynaha wuxuu u sheegay inuu aqbalay, sidasna waxa shaaciyay Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale.

Suldaan Siciid wuxuu uga mahadceliyay madaxweynaha sida sharafta leh ee uu uga aqbalay go’aamadii ay soo saareen ee xalka dalku ku jiray.

Suldaan Siciid wuxuu u mahadceliyay xisbiyada WADDANI iyo UCID iyo Guddida beelaha West Burco Clan oo dhammaantood aqbalay isla markaana fulinaya qoddobadii ka khuseeyay.

Sidoo kale wuxuu ammaanay salaadiinta dalka oo iyaguna go’aamadaas taageeray.

Suldaanku waxa kaloo ururrada siyaasada gaar agaan Cabdilaahi Xuseen Iimaan Dirawal uu ku tilmaamay nin ku suntan taariikhda iyo dhismaha Somaliland waxaanu ku booriyay inuu hankiisa siyaasiga ugu tanaasulo nabadgelyada dalka.

Waxa kaloo uu ururrada diyaasada ka codsaday inay aqbalaan go’aanka ergo ahaan ay soo saareen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this