Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiyada Beesha Habar Awal oo Xukuumadda ugu Baaqay inay Aqbalaan Go’aamadii Ergada

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)- Guddiyada DAN & DUCO iyo HOODAALE ee beesha Gabiley Clan, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan qaraarkii ergada beesha bariga Burco ee xal u helida khilaafkii doorashooyinka.

Guddida beesha Gabiley Clan waxay ammaaneen dhinacyadii ay khusaysay ee soo dhaweeyay go’aankii Ergada oo ay ku doodeen inuu ahaa qaraar dalka lagaga saari karo khilaafka iyo xiisada ka dhalatay kala hormarinta doorashooyinka Madaxtooyada iyo ta Ururrada siyaasada, oo guddigu ay soo jeediyeen in mar la wada qabto 13ka November 2024.

Guddiyada DAN iyo DUCO iyo HOODAALE ee beelaha Gabiley Clan waxa ay Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE u soo jeediyeen inay hadlaan islamarkaana aqbaleen go’aankaas xalka u ah khilaafkii dalka ka jiray.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this