Sign in to follow this  
Deeq A.

Madax-dhaqameedka Awdal oo Madaxweynaha u soo Jeediyay inuu Aqbalo Qaraarkii Ergada

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)- madaxdhaqameedka Gobolka Awdal, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan qaraarkii ergada beesha bariga Burco ee xal u helida khilaafkii doorashooyinka.

Madaxdhaqameedka Awdal waxa ay sheegeen in go’aankaasi ahaa mid xal ah oo lagaga gudbayo khilaafkii jiray.

Madaxdhaqameedka Awdal waxay u soo jeexiyeen madaxweynaha iyo xukuumadda inay fuliyaan go’aamada ergada.

Waxa kaloo Hay’adaha dawladda ee ay khusayso ka dalbadeen inay qaraarkaas fulintiisa ka qayb qaataan oo ay wixii kaabis u baahanna xoojiyaan.

Sidoo kale waxgaradka Awdal waxay sheegeen inay ka xun yihiin dagaalkii jimcihii dhacay, waxayna iftiimiyeen inay barbar taagan yihiin ciidamada Qaranka iyo difaaca Jamhuuriyada Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this