Deeq A. Posted August 29, 2023 Dawladda Taywan oo Deeq Lacageed Ugu ku wareejisay JSL Hargaysa(Qaran news)- Dawladda Taiwan oo xidhiidh siyaasadeed ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Sonaliland, ayaa deeqday deeq lacageed oo dhan 2 Milyan oo doollar Xukuumadda, taasi oo dawladda Taiwan ay ugu talagashay arrimaha bani’aadantinimada sida caafimaadka iyo waxbarsahada. Tan iyo intii uu bilaabmay xidhiidhka Diblamaasiyadeed ee u dhexeeya Taiwan iyo Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa jiray in labada dal ay is dhaafsadaan, kana wada shaqeeyaan arrimaha ka dhexeeya, maaha markii u horreysay ee dawladda Taiwan ay deeq lacageed soo gaadhsiiso Somaliland, balse waxa ay is-garab taagtay Somaliland wakhtiyo kala duwan, taageerana u muujisay. Munaasibada Dawladda Taiwan ay ku wareejinaysay deeqda lacageed ayaa waxa goob jog ahaa Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland iyo Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland, kuwaasi oo kala gudoomay deeqdaasi lacageed ee lagu fulin doono arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka, horumarinta Tiknoolajiyada iyo mashaariic kale oo badan. Xogta deeqdan lacageed ayaa waxa ka warbixiyay Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, waxaanu sheegay in dawaladda Taiwan ay deeqdan ugu talagashay arriamaha Bani’aadanimada sida Biyaha, Cuntada, Waxbarashada, Caafimaadka, isaga oo wasiirku qiray in xidhiidhka dawladda Taiwan oo yahay mid wax ku ool ah. Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somlailand ayaa sheegay in Safaarada dalka Taiwan ku leedahay Somaliland uu furan yahay muddo saddex sannadood ah, isla markaasina ay Somaliland ka heshay caawimooyin badan oo ay Taiwan ku caawisay dalka Somaliland, taasi oo ay ka mid yihiin in ay ka caawisay dhinaca Bani’aadanimada, xagga Farsamada, xagga mashaariicda horumarka iyo xagga geedi socodka Dimuqraadiyadda. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa ku dheeraaday Mashaariicaha waawayn ee ay Taiwan ka fulisay dalka kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in ay wax wayn ka tartay wakhtigii adkaa ee Covid 19, taakulayntii dadkii ku caydhoobay abaarihii iyo sidoo kale in ay gacan ka gaysatay qabsoomida Doorashooyinkii dalka ka dhacay. Gaba-gabadii waxa uu sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee JSL kaalmo sidan oo kale ah soo gaadhsiiyaan dowladda Taiwan, isla markaana aanay noqon doonin markii u danbeysay. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites