Sign in to follow this  
Deeq A.

Horjoogihii Al-Shabaab ee gobolka MUDUG oo isu soo dhiibay dowladda + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
372614237_761099426056666_14852714872381

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Horjoogihii kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug ayaa maanta usoo gacan galay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta dowlad-goboleedka Galmudug.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Nuur-deeq Cabdullaahi Maalinguur ayaa waxa uu ciidanka gacanta ku dhigeen isaga oo maraya duleedka Bacaadweyne, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Horjooge Nuur-deeq ayaa markaas watay gaari nuuca raaxada ah iyo qori AK-47 ah, wuxuuna ku socdaalayay duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qabashadiisa kadib horjooge Nuur-deeq loo sii gudbiyay degmada Wisil ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku sugan yihiin masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug

Masuuliyiintaan ayaa waxaa kamid ah wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi, Xildhibaano heer federaal iyo heer Galmudug, maamulka gobolka Mudug , saraakiil iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo ku sugnaa goobtii maanta lagu soo bandhigay horjoogaha.

Ninkaan ayaa hadda lagu hayaa degmada Wisil ee gobolka Mudug. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ee uu horjoogaha Mudug u ahaa.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo dhawaan si rasmi ah uu u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka, waxaana ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay horay kooxda uga qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo usoo gacan galay, xilli uu dalka ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda, kaasi oo deegaano badan looga qabsaday.

370526535_761099382723337_75544283417585

372614237_761099426056666_14852714872381

372992318_761099376056671_35306853147896

370701880_761099419390000_34703921318971

The post Horjoogihii Al-Shabaab ee gobolka MUDUG oo isu soo dhiibay dowladda + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this