Dhubad. Posted July 2, 2006 FEER-FEER: Isgaarsiinta oo laga jaray dhamaan deegaannada hoos yimaada Xuduudda Ethiopia & Somalia Feer-Feer (PP) - Wararka ka imaanaya Deegaanno ku dhowdhow xadka ay Soomaaliya iyo Ethiopia ka wadaagaan Dhanka gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gabi ahaan la xannibay isgaarsiinta deegaannadaas ay la lahaayeen Ethiopia iyo Somalia intaba. Arrintaan ayaa ku soo beegantay xilli ay saakay halkaas gaareen ciidammo Ethiopian ah oo xilliyadii ugu dambeeyay ku sugnaa gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan, waxaana wararka ka imaanay deegaannadaas ay sheegayaan in halkaas ay ku sugan yihiin ciidamo aad u xoog badan oo Ethiopian ah iyadoo aan la garanayn halka ay afka aadin doonaan. Wararkaan ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Max'ed dheere) oo ciidammo aad u xoog badan wata uu soo gaaray deegaankaas iyadoo lagu wado inuu u soo tallaabo caawa ama maalmaha soo socda gudaha Soomaaliya uuna kula dagaallamo Maxkamadaha islaamiga ah gudaha gobolka Shabeellada Dhexe oo laga fara maroojiyay ciidammo taabacsan 14-kii bishii Juune ee la soo dhaafay. Ma jiraan warar xaqiijinaya in isgaarsiinta loo jaray arrimo ku saabsan howlgallo ay doonayaan inay ciidammo Ethiopia ah ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo in kale, iyo sidoo kale inay ku soo fool leeyihiin ciidamo uu wato Maxamed Dheere. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites